Wax ka ogaashaha xaalada dib ulla noqoshada sharciga qaxootinimo (opphør)
Wasaarada cadaalada waxa ay soosaartay 16.5.2019 tilmaamo ama amar (instruks) kaasoo ah dib u habayn ama dib u eegid lagu soo sameey amarkii kan ka horeeyey, kaasoo ku saabsan, sharciga megengelyo-la’laabashada iyada oo loo sababaynayo in amaanka wadanka ruuxa uu ka yimid uu soo hagaagay.
Tilmaantan ama amarkan (instruks) waxa uu bedeleyaa tilmaantii/amarkii hore ee Wasaaradu ay horey ubixisay, kaasoo ku taariikheysnaa bishii sebtembar 2016, balse waxa hadda laga bedelley ay yaryihiin.
Norsk tekst finner du her: Dette bør du vite om opphør.
Waa maxay sharciga megeneglyo-la’laabashada (opphør)
Markii aad ka hesho megengelyo Norway, marka hore, waxaad helli sharci ku meelgaar ah. Sida caadiga ah, sharcigan waxa uu kuu soconayaa muddo sedex sanadood ah. Seddex sanadood ka dib, waxaad helli kartaa sharciga Degenaanshaha, waa hadii aad buuxiso shuruudaha lagu xirray (halkan ka eeg sharuudaha la doonayo in aad buuxiso).
Hadii xaalada amni ee Dalkaaga ey soo hagaagto ka hor inta aadan buuxin shuruudaha Degenaanshaha lagu helli karto, waa ay qiimeyn kartaa Norway in Dalkaagii uu xasiloonaadey oo markaa si nabadgelyo ah aad ugu laaban karto. Hadii UDI qiimeynta kadib ay go’aansato in xaalada nabadgelyo ee Dalkaagii uu aad usoo wanaagsanaaday, waxay kaa ceshanaysaa sharciga ku meelgaarka ah ee aad haysato. Hadii ay tanni dhacdo, waxa aad xaq uyeelan in aad ka dacwooto go’aanka Dowlada, sidoo kallena xaq waxaad uyeelan Qareen bilaash kuu ah.
Maxaa ka cusub tilaamantan ama amar Dowladeedkan?
Macnaha uu xanbaarsanyahay amarkan cusub, waa mid la mid ah midkii horey usoo baxay. Meelaha qaar ayaa lasii micneeyey, sida tusaale ahaan in si sahala oo fudud aan lagu ceshan karrin megengelyo-qaxootiyeed, taasoo lala barbardhigay diidmada koowaad ee la siiyo ruux megengelyo dalbaday, taasoo ah mid ka fudud in sharci-megengelyo la xayuubiyo ama lala’noqdo, sidoo kale, in cid Dowlada dalkaagii aan ahayn ay megengelyo ku siin karaan (sida, ciidanka caala-miga ah ee nabadgelyada ka sugaya Dalkaaga ama Qabiilkaaga), sidoo kallena xaalado kugu gaar ah keligaa ay sabab u noqon karaan in qodobka ‘opphør’ uu si gaara kuu qabto. Qodobadanni horey wey uga mid-ahaayeen qiimeynta xaalada megengelyo-la’laabashada ama opphør, balse laguma magacaabin ama sheegin amarkii hore ee Wasaarada kasoo baxay.
Amarkani yuu ku yeelanayaa saameyn?
Waxa uu saameyn ku yeelanayaa kelliya dadka ka hellay Norway megengelyo ‘asyl, sidoo kalle hellay sharci kumeelgaar ah oo qaxootinimo (§ 28 sharciga ajaanibta).
Kuma saamaynayo ama khuseeyo amarkani hadii aad haysato :
• sharciga bini’aadinimada ama ku xirnaansho adag oo aad la leedahay Norway (§38)
• aad ku timid Norway sida qaxooti laga soo qaaday Dal kalle (kvoteflyktning/overføringsflyktning (§35), ama
• aad haysato sharci Degenaansho ah (§62).
Hadii aad dalbatay sharciga Degenaansho ka hor inta aysan gaarin go’aan ah megengelyo la-la’laabasho (opphør), sidoo kallena aad buuxisay dhamaan shuruudaha ku xirran, laguma siin karro go’aan megengelyo-la’laabasho ah (opphørsvedtak).
Markii aad buuxiso shuruudaha degenaanshaha, u codso degenaansho sida kuugu dhakhsiyaha baddan.
Dowlada Norway waxa ay si gaara xooga usaartay Somalia, sababtoo ah, waxa ay aaminsanyihiin in isbedel weyn oo dhinaca nabadgelyada ah uu halkaa ka jirro.
Sidaa daraadeed, waa wax cad in tirrada ugu baddan ee uu sharcigan saamayn ku yeelan karro ay soomaali noqdaan, hase ahaatee saamayn waa uu ku yeelankaraa qodobka megengelyo-la’laabashada waddamo kale oo aan Soomaaliya ahayn.
UNE iyada oo tixraac ka dhiganaysa natiijadii kasoo baxday eegida dacwooyin ku saabsan sharciga qaxooti la’laabashada ah ee la yiraahdo ‘’opphør’’, eegida dacwooyinkaas oo la fuliyey goortii ay taarikhdu ahayd 27.03.2017, taasoo UNE ay ku eegtey dacwooyinkaas qaab loo dhanyahay (stornemnda), ayey UNE go’aamisay in taariikhdaa ay noqoto midda lagu kalla saaro in ruuxu xaq uyeelanayo degenaansho iyo inkalle. Ruuxii dalbaday isagoo buuxiyey shuruudaha degenaanshaha sharciga degenaanshaha wixii ka horeeyey taariikhda 27.03.2017, waxa uu xaq uyeelanayaa sharci degenaansho ah. Shuruuda ku xirran ayaa ah, in ruuxu weli uu buuxinayo shuruudihii lagu hellayey deganaanshaha waqtiga UNE ay eegayso dacwada ruuxa uu kasoo qaatay diidmadii ahayd in sharciga qaxootiga lagala laabtay. Gal-dokumintiyeedyada noocan ah waa kuwo aan luminayn xaaladii qaxootinimo (flyktningstatus) ee ay horey u haysteen.
Sidee loo qiimeeyaa ama loo eegaa gal-dokumintiyeedyada (saker) ku saabsan megengelyo-la’laabashada (opphør)
Ugu horeyn UDI waxay go’aansanaysaa in qiimeyn ay ku sameyso in sharciga ay la soo laabato, sababtoo ah xaalada Dalkii uu ruuxa ka yimid ayaa hagaagtay. Hadii ayugu muuqato in ay jirto sabab ay kulla noqon karaan sharciga, waa in ay udiraan ruuxa ‘digiin-wargellin ah ‘forhåndsvarsel’ oo arintan ku saabsan.
Hadii aad ka hesho UDI digniin-wargelineed ‘forhåndsvarsel’, waxa aad xaq uyeelanaysaa in fal-cellin jawaab ah aad ka dhiibato digniinta laguu soo direy. Jawaabtaadu waa mid tilmaamaysa sababta aad udiidantahay ama aad uga soo horjeedo in aad weydo sharcigaaga megengelyo, jawaabtaada waa mid ay akhrinaysoUDI ka hor inta aysan go’aan ka gaarin sharcigaaga-megengelyo.
Waxa aad xaq u leedahay in caawino aad ka hesho qareen /sharci yaqaan kuu qora jawaabta aad bixinayso.
Kadib marka ay akhrisato UDI qoraal-jawaabeedkaaga, waxa ay go’aansanaysaa hadii ay ulla muuqato in sharciga-megengelyo dib lagaaga soo celliyo. Hadii ay ulla muuqato oo ay leeyihiin in aad lumisay sharcigii nabadgelyada ahaa, sidoo kallena aad ka baxday xaaladii qaxootinimo, waxa ay eegi doonaan jiritaanka xaalado kalle oo lagugu siin karro sharci Dalka aad ku-joogto, tusaale xaalad-caafimaad ama in aad ku leedahay Norway Qoys.
Hadii UDI ay leedahay wax xaq ah oo dhanka sharciga ah ma lihid, waxa ay ku siinaysaa qoraal-go’aameed (vedtak) sheegaya in aad lumisay xaquuq sharciyeedkii aad lahayd, sidaa daraadeedna aad Dalka isaga baxdo, kuna laabato Dalkaagii hooyo. Xaq waxa aad uleedahay in aad ka dacwooto qoraal-go’aameedka aad heshey, sidoo kallena xaq uleedahay in caawino sharci aad ka hesho Qareen . Waxaad xaq uleedahay in aad Norway sii joogto inta dacwadaada laga eegayo.
Intaa ka dib waxaa eegaya gal-dokumentiyeedkaaga Utlendingsnemnda (UNE). Hadii sida UDI ay yiraahdaan xaq uma lihid in aad ka hesho Norway megengelyo, markaa arintaadu wey soo xirmeysaa, xaqna uma yeelanaysid in aad sii joogto Norway. Hase ahaatee, waxa ay ku siinayaan waqti xadidan oo aad ku dalbato caawino-dib-unoqosho (assistert retur), ama aad kaga baxdo Dalka.
Hadii aad hayso warar aysan UNE horey u’maqlin , waxaa suurtagal ah in aad codsato in arintaada dib loo eego. Waxaa kaloo macquul ah in dacwadaada aad la aado maxkamad, balse sida caadiga ah waa qaali oo waa lacag baddan oo hadana ay adagtahay in arin noocan oo kale ah guul laga gaaro.
Su’aal hadii aad qabto, la xiriir NOAS
Hadii aad qabto su’aal la xiriirta arinta Megengelyo-la’noqoshada (opphør), waxaad kala xiriiri kartaa NOAS taleefanka 22 36 56 60. ama e-mail post@noas.org
Ma heshey wargelin-digniineed (forhåndvarsel) ama go’aan ah megengelyo-la’laabasho (opphør), masse doonaysaa NOAS in ay eegto in ay ku caawini karto, waa in aad noo soo dirtid dokumentiyada arrintaada ku saabsan. Waxaan ubaahanahay koobiyo ah dhamaan Qoraaladaada ku saabsan megengelyada-iyo megengelyo-la’laabashada, sidoo kallena aad noo soo dirtid qoraal-wakiileed (fullmakt) aad soo buuxisay. Qaraal-wakiileedka (halkan kala soo deg) (English version)
Qoraalada waxaad noogu keeni kartaa NOAS, Torggata 22, ama aad inoo soo dhigi kartaa boostada: Torggata 22, 0183 Oslo. Fiiro gaara! Haku soo dirin qoraalada e-mail.