Waa tuma NOAS ?

Ururka megengelyo doonayaasha ee Norway (NOAS) waa mid madaxbanaan lehna xubno, shaqadiisuna ay tahay ka caawinidda megengelyo doonaaysaasha jooga Norway dhanka sharciga. Howlaha ugu muhiimsan ee aynu qabano waxaa kamid ah; siin megengelyo doonaha xog-sugan oo ku saabsan nidaam sharciyeedka megengelyo doonenimo ee wadanka, caawino la xiriirta dhinaca sharciga iyo qabasho howlo  saameyn loogu yeelanayo hay’adaha dowliga ah. Hiigsigayagu waa mid ku wajahan sidii loo gaari lahaa siyaasad-qaxootiyeed iyo habdhaqankeeda oo ah kuwo aas aas looga dhigay  bini’aadinimada, dhowrista xaquuq-sharciyeedka iyo u hogaansanaan sharciyada caalamiga ah ee ay Norway qaybta ka tahay.

Xog siin megengelyo doonayaasha cusub

NOAS waxay haysaa shaqo mashruuc ah oo loogu yeerey ‘’ xog-siin iyo jiheyn’’

( informasjons- og veiledningsprogram) , kaasoo loogu talogalay megengelyo-doonayaasha ku cusub Norway. Halkaa waxaan ka bixinaa xog ku saabsan nidaamka qaxootinimo ee wadankan, shuruudaha lagu baxhso sharciga qaxootinimo/badbaadinta iyo xaquuqaha kale iyo waajibaadkaba.

Warar la xiriira mowduucyadan waxaad ka helleysaa buugaan yar: Informasjon til asylsøkere i Norge (PDF).

Caawino-sharciyeedka megengelyo doonaayaasha

NOAS waxay eegi kartaa codsiyada megengelyo doonayaasha ee ka helley diidmada hay’ada dowliga ah ee ka baaraan degta codsiyada megengelyo doonaayaasha (UDI) ama hay’ada madaxa banaan ee u howl gasha sida maxkamada kana baaraan degta rafcaanka laga qaato diidma ay bixiso UDI ee UNE. Waan eegnaa codsi walba oo noo yimaada. Codsiyada aan u aragno in wax laga qaban karo oo lagu heli karo ogolaasho, waxaan u gudbinaa inagoo ka wakiil ah megengelyo doonaha hay’adaha dowliga ah qoraal, sidoo kale qareenka. Caawino-sharciyeedkan waa lacag la’aan.

Caawino codsigaaga megengelyo ku saabsan ma uga baahantahay NOAS ?

Soo dir waraaqaha ku saabsan codsigaaga megengelyo

Hadii aad doonayso in NOAS ay eegto codsigaaga mengelyo arimaha la xiriira, waa in aad inoo soo dirtaa koobi ah wareysigaagii megengelyo, go’aankii ay ka gaartey labadaba UDI iyo UNE, rafcaankii uu ka qoray qareenka iyo qoraalka aad ku dalbatay in diidmada lagu bedelo. Hadaadan hayn qoraaladaa, waxaad ka heli kartaa qareenkaaga. Hadaysan arintan kuu suurta geleyn, nala soo xiriir si aan kaaga saacidno raadinta qoraaladan. Hadii aad hayso qoraalo kale oo aan ahayn kuwa aan kor kusoo sheegney, adigana aad u aragto in ay muhiim uyihiin coddsigaaga megengelyo, waan kugula talinaynaa in aad iyagana aad inoo soo dirto.

Waa in aad inoo soo dirtaa foomka aad saxiixday ee aad ku ogolaanayso in aan codsigaaga ka shaqayno, kusoo qor meesha aan kaala soo xiriiri karno. Waxaan kaa codsanaynaa in aad daabacato foomka hoos yaala, soo buuxi noona soo dir iyada iyo waraaqaha kalee ku saabsan codsigaaga megengelyo.

Qoraalka aad awooda inoogu siinayso ka shaqaynta codsigaaga - norweeji iyo Ingiriis (PDF)

Waxaad inoogu soo diri kartaa  dokumentiyadaada hadba midkaad doonto, boosto ama faks:

  • Cinwaanka: NOAS, Torggata 22, 0183 Oslo
  • Faks nambarka : 22 36 56 61

Maxay NOAS ka qabanaysaa cosigaaga?

NOAS wey eegtaa codsi walba oo u yimaada, iyada eegeysa in ay wax ka qaban karto iyo in kale. NOAS codsiyo badan ayaa u yimaada, sidaa daraadeed waa in aan muhimada siinaa codsiyada aan isleenahay waxbaad ka qaban kartaan. Sidaa daraadeed ayay NOAS u diidaa qabashada inta badan codsiyada loo soo gudbisto.

Marka aan qiimeynayno codsi-megengelyo, waxa aan xooga saarnaa xaaladaha soo socda:

  • Inta ay le’egtahay caawinada aad horey uga heshey qareenkaagii. Hadii qareenkaagu uu kuu qabtay wixii la qaban lahaa , waa caadi in NOAS aysan codsigaaga waxba ka qaban.
  • Bal in ay macquul tahay in hay’adahadowliga ah go’aankii diidmada ahaa ee ay gaareen in la bedeli karo. Diidmo ka timaada UNE ugu horeyn waa kama danbeys, micnuhuna uu yahay in hay’adaha dowliga ah  ay qabaan in aadan ubaahnayn badbaado ama aadan haysan sababo kale oo lagugu siiyo sharci aad ku joogto Norway. Waa ay adagtahay sida loo bedelaa go’aan diidmo oo kama danbeys ah.
  • Hadii aad hayso warar muhiim oo la xiriira codsigaaga megenglyo, sidoo kalena warkaa aadan horey ugu sheegin ha’aydaha dowliga , noqon kara kuwo wax kusoo kordhin kara codsigaaga megengelyo.

Waan eegeynaa codsigaaga sida ugu dhakhsaha badan . NOAS waxaa u yimaada codsiyo badan, sidaa daraadeedna, awoodayada waxqabad waa mid xadidan.

Xaaladaa aawadee, waxay qaadanaysaa in aan kasoo jawaabno codsigaaga inta u dhaxaysa laba isbuuc ilaa lix bilood. Markasta waxaan isku deyeynaa in aan muhimmad gaara siino codsiyada ubaahan in si deg deg ah wax looga qabto. Kadib markaanu eegno codsigaaga waan kula soo xiriiri doonaa inagoo kuu sheegeyna in codsigaaga aan wax ka qaban karno iyo inkalle.